ereyga

qaab dhismeed

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qaab dhismeed

DHAN

-da: (n) structure (istarak'jar); framework (fareaymweerk); structural form

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaabdhismeed

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) habka ay wax u dhisan yihiin. Xisibiyadu waxay ku heshiiyeen qaabdhismeedka dawladda. Dh: habdhismeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tobograafiyo

DHAABAN
1

tobograafiyo¹: m.dh 1. Qoraal faahfaafsan iyo muuqaallo muujinaya dhismaha iyo samayska dhul gaar ah. 2. Cilmiga lagu barto qaab dhismeedka dhulka. la-mid: tobograafiyad.

2

tobograafiyo²: m.dh (juqraafi) Qeexid faahfaahsan ama bandhig muuqaallobe-deed, dabiici iyo sanaaci, labadaba ee meeleed, sidaasoo kale ayaa laga rabaa khariidad, toobograafiyeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tobograafiyo

DHAABAN
1

tobograafiyo¹: m.dh 1. Qoraal faahfaafsan iyo muuqaallo muujinaya dhismaha iyo samayska dhul gaar ah. 2. Cilmiga lagu barto qaab dhismeedka dhulka. la-mid: tobograafiyad.

2

tobograafiyo²: m.dh (juqraafi) Qeexid faahfaahsan ama bandhig muuqaallobedeed, dabiici iyo sanaaci, labadaba ee meeleed, sidaasoo kale ayaa laga rabaa khariidad, toobograafiyeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

constitutional

DHAABAN

/konistityushinal/ (adj) 1. dastuuri ah (dastuurka waafaqsan). (adj) 2. ee qaab-dhismeedka gqofka (la xiriira xaaladda guud ee jirka ama maskaxda qofka).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fabric

DHAABAN

/faabrik/ (n) 1. maro, dhar, siiba dhar-ahaanta iyo samayska) (n) 2. qaab-dhismeedka, sida qaabka-dhismaha guri, qaab-dhismeedka bulsho iwm).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

frame

DHAABAN

/freym/ (n) 1. qaab dhismeedka kore, (qolfoofta dhismaha) (n) 2. fareemka ama meegaarka masawir iwm la galiyo (n) 3. jirka qofka (n) 4. xaalad, sida lagu sugan yahay. (v) 5. qaabayn, dhis kore u samayn (v) 6. fareem galin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

framework

DHAABAN

/freymwork/ (n) qaab-dhismeedka, qaabka-guud

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

structural

DHAABAN

/strakjaral/ (adj) qaab-dhismeed (qaabka-muuqaalka).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhiico

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) qaab dhismeed dadka qaar dhalan u ah oo dhabarku godan yahay. Waxan sugayaa ninkii Tukaale ee dhiicada lahaa. Dh: deri, golxo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foolxumaan

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumi. Li: quruxbadnaan, quruxsanaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foolxumi

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lahab

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) dhaxan iyo qaboobe.

2

lahab -ka: (magac, lab, keli) ololka dabka. Lahab baa leefay. Dh: holac, dhamac.

3

lahab: (tilmaame) walax qaab dhismeedkeedu la mid yahay mid hore loo hayay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raarace

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) qaab dhismeed co ka kooban culays si hab leh uga laalaada dacalka xadhig cufkiisu aad u yar yahay kana soo deldelan bar maguurto ah oo kolba dhan meel ilaa meel u walhata.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raso

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale oo korka layska saarsaaray

2

raso-da: (magac, dhedig, keli) isku jaango'naanta hannaanka gaareed leh ee abuurta atamyada oo ah higilka qaab dhismeedka wirriqda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habdhismeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg habdhis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qaab dhuleed

DHAFANDHAAF

Geoid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qaab-hireed

DHAFANDHAAF

Wave form

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qaabdhuleed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.l) (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaab-dhuleed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qalabka dhismaha

DHAFANDHAAF

(n) construction material.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

raardhisme

DHAFANDHAAF

m.l Raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

raardhisme

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kaah dhadeed

DHAFANDHAAF

Radiation fog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Taag dhuleed

DHAFANDHAAF

Geoanticline

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barbadhtameed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) barta jiitin kala badhdha A K B, 'K' waa barbadhtameedka jiitinta AB.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Saami dhidibeed

DHAFANDHAAF

Axial Ratio

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Bar badhtameed

DHAFANDHAAF

Midpoint

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

habdhislimfeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habdhislimfeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Laba dhidibeed

DHAFANDHAAF

Biaxial

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qaanso dhadeed

DHAFANDHAAF

Fog bow

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qanjidhtarmeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qubbadshiileed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Wanqar dhidibeed

DHAFANDHAAF

Symmetry, axial

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dawadhireed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dawadhaqameed dhirta laga sameeyo oo loo adeegsado dawo ahaan. Dh: dawodhireed, dawodhaqameed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dawodhireed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg dawadhaqameed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

LAAN BIREED

DHAFANDHAAF

(Lanbired) S Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taagdhuleed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Tub dhuleed

DHAFANDHAAF

Orbit earth

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaadhidameer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, kli) gaadhi ka samaysan buudhi labo taayir leh iyo dameer xagga hore lagaga xidhay oo jiida. Dh: gaaridameer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Itaal hireed

DHAFANDHAAF

Wave intensity

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kayn dhashee

DHAFANDHAAF

Swamp forest

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Lakab raseed

DHAFANDHAAF

Bedding plane

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

qabasho meel

DHAFANDHAAF

hold position

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taag-dhuleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taag-dhuleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Ubac dhuleed

DHAFANDHAAF

Centrosphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Baraf dhuleed

DHAFANDHAAF

Ground frost, Land-ice

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaadhigacmeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg gaadhigacan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

habdhis-limfeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

itaal iftiimeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Itaal iftiimeed

DHAFANDHAAF

Luminous intensity

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

qaabka isreebka

DHAFANDHAAF

knock-out system

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qanjidh-tarmeed

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qanjidh-tarmeed

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qubbad shiileed

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (jooloji) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Qubbad shiileed

DHAFANDHAAF

Batholith

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qubbad-shiileed

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.

waa la naqliyay ✓